VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruux Dhamaystiran - Lyrics

maalintaan ku dhawrayee dhaayuhu kuu baahdeen dhamaysay agtaaduun markaad i dhawdahaan ahay ruux dhamaysee dhimirkiyo dareenkiyo qalbigaad ku dhigantee sidaad iigu dheertay la'aantaa dhigaygow dhadhan noloshu iima le dhiigaygaad ku saaqdoo dheemantii naftaydaay dharaartaan ku waayaba waan isu dhex yaacaa anba waan dhanbalanahay oo waan dhantaalnahay dhabtii hadaan ku waayana waan isu dhex yaacaa caashaqu dhexdeeniyo dhiigu ku milanyoo la isku keen dhex maray xiiseey ha iga dheeraan la'aantaa dhib weeyee caashaqu dhexdeeniyo dhiigu ku milanyoo la isku keen dhex maray xariirow ha iga dheeraan la'aantaa dhib weeyee niyadaad ku dhibicdoo dhanbaalaha jacaylkee xiisuhu ku dhiganyahay xagaagaan u tabiyaa farxadaan dhamaaniyo ruuxda dhiiri galisaayo maankaad dhaydaayoo muuqaagu waa dheef
Queue is empty
-- / --