Sahraay Somali oo dhan
Adigaa ugu sareeya
Haweenkan Zamankaan joogana
Adaa qurax ugu sitoo
Midaan kula simo lawaayay

Sahraay Laabta iyo qalbiga
Sadriga adigaa dagoo
Xishood aan salguuriniyo
Asluubaan lagu saday
Samaan kugu barbaarayoo
Jacaylkana saxar ka dhowr

Hablaha Suuriya ku nool
Sacuudiga iyo Lubnaan
Saldhiga Aasiya iyo yurub
Sahraay Australia
Ameerika kuwa ku sugan
Siddeed Malyan oo hindiya
Hada miyaan kugu siin lahaa

Sahraay garashiyo dadnimo
Ilaahay baa ku siiyay
Gayaankan Zamankaan joogo
Adaa ugu sitooo
Saluug kuma dhihid dhanna

Sahraay marwo qaaliyaay
Gabdhaha sayigoodiyee
Sareedo barwaaqiyo
Aduunyada sada kuwaar
Samiga calafkaagiyo
Nasiibkaaguna samaan

Hablaha Suuriya ku nool
Sacuudiga iyo Lubnaan
Saldhiga Aasiya iyo yurub
Sahraay Australia
Ameerika kuwa ku sugan
Siddeed Malyan oo hindiya
Hada miyaan kugu siin lahaa

Exit mobile version