VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shan geela xariir - Lyrics

geelaygu shanbuu ahaa gacantayda labaa ku jira sadexna way iga gadmeen gabadhna waan jecelahoo inaan guursadaan rabaa hasaawe markaan la galay go'aankii waxay i tidhi gacmaha iyo madaxa iyo lugaha EEBE kugu galaday kolkaad isu gaysidbaad i guursan kartaa aniga gabadhu hadalkay tidhiyo su'aashu garashay rabtaa jacaylkuna wuu gubayee baadidaan goobayana markaan raadkeeda guro gidaarbaa isoo ceshee gobeey ila taliya oo sideebaan uga gudbaa yartaan gacaltooyadiyo jacaylkan i galay u qabo xusuustayda kama gam'oo inaan guri wadaagno iyo rajaan u guclaynayaa baadidu goobtay jirtiyo haybadeedii ma gees marine ragbaa xero gaysta oo geelaygii waxa hantiyay gardaro garab haysatoo gartuna galin kana baxayn
Queue is empty
-- / --