Heesta Soo mar - Lyrics
Sahan jacayloo soo mar
Sira iftiimoo soo mar
Saasaan wadaag soo mar
Qurux isaaqdoo soo mar
Subax arooriyo
Seemo roob
Sireedo qeeray
Saafi dumaray waa isaaqdoo
Soo mar halkaan soo mar
Saban barwaaqo soo mar
Taan la sugaayay soo mar
Si allle mooye soo mar
Isa seegi maynoo soo mar
Kaa suntaday soo mar
Ragba kaan ka soocdee
Sad kaa uhelayoo soomar
Ilaa isooyoo soo mar
Aan saarka tumanoo
Saxuur icayaarnee
Saaxibadeena safafka ujoogeee
Naa soo dhaweenee
saameenta gurigana
Baree sugneenee soo mar
Naa soo mar
Saban barwaaqo soo mar
Taan la sugaayay soo mar
Si allle mooye soo mar
Isa seegi maynoo soo mar