Waan ka maarmay jacaylka
Muddo dheer nabnabaayay
Kolkii aad milgahiisa
Muran uun kubba koobtay
Qofkii kuu muhanaayay
Ma jiraayo hadayr
Mahadhada kalgacaylkana
eega waan kabba meertay
Ma awoodo cilaaqdaa
Maalin oo dhanba taagan
Mataqaanid adduunaa
Sida loo muxibeeyoo
Qofka kuu marxabeysan
Mara waaxid jacaylkii
markii uu inna daayay
Maskaxdaada ka saaroo
Meel kale qorsheeso
Madaddaalo iyo beenta
Maqluuq waa ku hogmaaye
Mid qura iga hoow
Runta waa mahuraanka
Ma awoodo cilaaqdaa
Maalin oo dhanba taagan
Mataqaanid adduunaa
Sida loo muxibeeyoo
Qofka kuu marxabeysan
