Heesta Xaqdhowr - Lyrics
Jacaylku nafuu xulaa
Xaqdhowrka udaacadoo
Waxaa xurmo lagu habaa
Xubbiga laabtuu hantiyay
Xagaygana waxaa kun jeer
Ku xaadiran caashaqoo
Xumaan kuuma quuri karo
Xumaan anigu adiga kuuma quuri karo
Jiilaalka dubaaxaya
Midaa xuubshay qalbigu
Xariirtaan la doonayaa
Adoon igu xirin sharuud
Soojadaan ku iloowo kalgacal
Waxaan kaa xuruubi karin
Xusuusta jacayl rasmi ah
Xaqiiqdii kal iyo aab
Xiskuu boholyowga dagay
Qalbigaan kuu xilaanayee
Hablaha kaa xigaalsado
Xaqaad mudantahay yaqaan
Xaqaad adigu mudantahay yaqaan
Midaa xuubshay qalbigu
Xariirtaan la doonayaa
Adoon igu xirin sharuud
Soojadaan ku iloowo kalgacal
Qalbigaan kuu xilaanayee
Hablaha kaa xigaalsado
Xaqaad mudantahay yaqaan
Xaqaad adigu mudantahay yaqaan
Qalbigaan kuu xilaanayee
Hablaha kaa xigaalsado
Xaqaad mudantahay yaqaan
Xaqaad adigu mudantahay yaqaan