VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xurguf - Lyrics

dhacdada kuu muuqatiyo dharaarba wixii yimaada dhambaal weeyee bal eeg xigmada ku dhabaabanoo duruuftu waxbay dhigtaaye dhibtaada wuxuun ka baro dhamays noqon waa dadkuye ruuxii kugu dhaadanaaya dhexdiina wixii yimaada dhaliil qudha hawga tagin dhaqanka wacan iyo dadnimo qalbiga adigoo ku dheershay samaha waligaa ku dhaado dhaleecada ruux ku jecel dhagxumay adna kugu tahee dhigaa ha ku dayn xumaan dhugmaa garashada hagtee dhaayahu shaygaan arkeen aqoonta ku dhuux xikoo rajada dhiman kaga bogsoo hankaaga ku dhiiri gali wixii dhumay yeelkadiisa dhadiyo rooob lama simee adoon dhalanteed u bogin xaqiiqduna waa dhabtee ahaw dhayalsiga qof neceb dhaqanka wacan iyo dadnimo qalbiga adgoo ku dhaarshay samaha waligaa ku dhaado dhaleecada ruux ku jecel dhagxumay adna kugu tahee dhigaa ha ku dayn xumaan
Queue is empty
-- / --