dhacdada kuu muuqatiyo
dharaarba wixii yimaada
dhambaal weeyee bal eeg
xigmada ku dhabaabanoo
duruuftu waxbay dhigtaaye
dhibtaada wuxuun ka baro
dhamays noqon waa dadkuye
ruuxii kugu dhaadanaaya
dhexdiina wixii yimaada
dhaliil qudha hawga tagin
dhaqanka wacan iyo dadnimo
qalbiga adigoo ku dheershay
samaha waligaa ku dhaado
dhaleecada ruux ku jecel
dhagxumay adna kugu tahee
dhigaa ha ku dayn xumaan

dhugmaa garashada hagtee
dhaayahu shaygaan arkeen
aqoonta ku dhuux xikoo
rajada dhiman kaga bogsoo
hankaaga ku dhiiri gali
wixii dhumay yeelkadiisa
dhadiyo rooob lama simee
adoon dhalanteed u bogin
xaqiiqduna waa dhabtee
ahaw dhayalsiga qof neceb
dhaqanka wacan iyo dadnimo
qalbiga adgoo ku dhaarshay
samaha waligaa ku dhaado
dhaleecada ruux ku jecel
dhagxumay adna kugu tahee
dhigaa ha ku dayn xumaan

Exit mobile version