xiligan quruxlayda joogta
xamdaad waxaa tahay hibayna
xidigtii loo qiray mudnaanta
waxaan ku xasilay salaanta
ku dheehan farxadiyo xurmaynta
xaqdhawrkiyo soo dhawaynta
qalbiga xaadhan iyo edaabta
xisaahan ku nagaaday laabta
markaad ka xafiday xumaanta
adaa xaq u helay amaanta
waxaa tahay xuuralcaynta
dunida looga dhigay xariirta

xubigan barashada aqoonta
xamdaay isku xidha quluubta
xiskiyo maankaa rabaysta
sadriga kaydiya xasuusta
waxaa ku xawilan danaynta
xishoodkaagiyo asluubta
xagnaba looga duwin qurayshta
xiisahan ku nagaaday laabta
markaad ka xafiday xumaanta
adaa xaq u helay amaanta
waxaa tahay xuural caynta
dunida looga dhigay xariirta

Exit mobile version