Heesta Ayaan (Abyan cover) - Lyrics
dadka lama ag dhigiginoo
loomana eekayninoo
markaad yari u eegtaba
afar iyo tobnaadiyo
iftiin sow ma moodaa
ma iyadoo kaleetaa
ifka lagu arkaayaa
aqal lala galaayaa
erayada ma badisee
inta kale haweenkaba
waxay ilaad u dheertahay
edebtiyo xishoodkee
waa lagu aqoonsaday
ayaan waxay ku nooshay
aqalkooduna uu yahay
isku raran agteediyo
agagaarka ceeldaab
adaankiyo salaadii
udgoonkii janadiyo
tii ubaxa geeda ha
onkodiyo hilaacbay
indhahayga deeqdee
indhaheeda waa sidii
heeladii ugaadoo
dhulka laga asteeyay
way aragti wacantee
yay aroos u noqataa