VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyooy habooneey - Lyrics

hooyooy habooneey adiga i habaayoo hadhuub ii culaayo geedkii aan hadhsanaayiyo hooskaygiibaad tahee habeen qudha anoo jiray adigaa hamuuntiyo haraad iga ilaashoo ii dhigay horaadkee hantidayda oo idil hadaan kuu hibeeyana xaqu igama hadhaayee hor ilaahay iyo aakhiraad helaysaa halbawlaha jidhkaygiyo ma huraankii noloshaay baydkaagu hodan noqoy naftu waa habeenba meel heedu markay timaadana hoygaagu janada noqoy hooyooy janada noqoy hooyooy haboonayn hadaaqayga mooyee anigoon halaba baran adigaa higaadiyo ii saxaayay hadalkee adigaa i hagaayoo halis ig duwaayoo adigaa i hogaanshoo wanaag ii horseedee waan kuu hilooboo markii aan hurdada galo adigaa i horjoogoo i hanooninaaya sahwiyaa habeenkii
Queue is empty
-- / --