Heesta Kaa xiisa jabay - Lyrics
xishood dadnimiyo wanaag
xurmiyo xagal daac la'aan
xayndaabkii dhaqan lahaa
xilkii RABI kuu igmaday
ka goosatyoo xadhkaha
xadkoodii dhaafisee
dumarkii ku xanjeeri jiray
miyay xumo kaa gayaan
damiirka xiskaa ladhee
ragow kaa xiiso jabay
xanaano markaad dhigtaad
ilduuftay xaqii haween
naftaydiyo waayihiyo
siduu xaalkayguu yahay
masuulkii loo xushoow
xeerbeegtida yaa ahaa
hadaad xoorto samaha
xorbaan ahay nolosha free
miyaanad xasuusanayn
dartaa inta hawl xayiran