Heesta Sahal - Lyrics
igu soo sirgacanaa
jacaylkan sabanadan
soorba aan u daayeen
uga soomay oontii
caashaqu sidiisaba
marna igama suuline
sidiibuu halbawlahaa
sunta ugu saydhshaa
sidiibuu kalgacalkuna
wali ii sitaayoo
hurdo seexan waayee
sidiibaan sabaalada
sida sabi caruuroo
socod iyo dhaqaaq baran
nafta kugu sasabayaa
"adiguna sidaadii surinkaan istaagaba igu saydhay gacantoo salaantiyo bariidada sahal ma iila dhaaftaa"
caashaqu sidiisaba
sidaad mooday maahoo
si yar kuma tagaayee
hadii aad sal fududahay
samir waan ku daalee
sabadaad u jeceshay
ka saldhigo aduunyada