Heesta Waan helay - Lyrics
Yaaah kabii
Hele hele
Waan helay waan helay jacaylkaa
Waayadaan waayadaan sugayaa
Wehelkeygi noqotee ayaankee
ayaankee ayaankee 2x
Waan kaa helay
Inan yahay kow dheh
Jacaylkaaga i hayee laba dheh
Ladi waayay awgaa saddex dheh
Wehelkaagaan doonayaa afar dheh
Jacaylkaan igalaa igu weeyn
Kaba weeyn badda weeyn macaaneey
Anigana adigaa igu weeyn jacaylkaaga igu weeyn sidii weeyn
Sahal maaha jacaylkuye
Silic baan u marayaa jacaylkanee
Hab isii
Waan helay waan helay jacaylkaa
Waayadaan waayadaan sugaayee
Wehelkeeyga noqotee ayaankee ayaankee 2x
Maalintaan ku arkaa
ilaa hadda
Niyaddaa ku raacdee amar allee
Muuqaaga waan sugayee amar li'i
Abshir weeye maantee bilkheeyr dhaha
Muddo waan ku sugayee alaylahee
Amar alle waan ku helay ayaankee
Ha iga dheeraan haniyeey ayaan qura qalbigaa la daristee
sahal sahal maaha jacaylkuye silic baan u marayaa
Hab isiii hab isii
Waan helay waan helay jacaylkaa
Waayadaan waayadaan sugaayee
Wehelkeeygii noqotee ayaankee 2x
Ubax waxaa tahay la daawado
Indhahaa ku doogsada aragtidaa
Ileeys waxaa tahay iftiin badan
Kii wallee ku helaybaa ayaan badan
Anigaa nasiib lahoo ku hantiyay
Hamina gaarey haniyeey
Mirihii jacaylkana ila guro
Hoobaloo macaaneey ila guro
Waan helay waan helay jacaylkaa
waayadaan waayadaan sugaaayaa
wehelkeeygi noqotee ayaankee
ayaankee ayaankee 2x