Heesta Dhaayo - Lyrics
jacayl dhiig yaal
sahal dhuuxa raacaybeey
dhibta kuwaan ogeeyn
dhayal moodayaan
nafta dhaxanta baas
dhidbay caashaqu
dhaxdiniyoo hurdiyoo
riyo dheelmataan
qalbi weli dhur suga
rajo dhoof kumaqan
ana dhamac cishqigaa
dhalalaabayooo
dhoowr mar baan
saqdii dhexe
dhakso boodayoo
waxaan dhawrayaa
qofka dhoohan weli
dhabta dookha iyoo
dhafarkaan kalgacal
jacayl dhaaday
meel dhibla taahdaybaa
dhagta maqal kusami
dheelliyaa xubbiguu
naftoo dhaayo illin
dhab u daadisaa
dharadiyo xareed
iski dhaashataa
qosol wacan dhagdhagsiinaysaa
ana dhamac cishqigaa
dhalalaabayooo
dhoowr mar baan
saqdii dhexe
dhakso boodayoo
waxaan dhawrayaa
qofka dhoohan weli
dhabta dookha iyoo
dhafarkaan kalgacal.