Heesta Guuleesta ahaada - Lyrics
Anshaxiyo ayaan
Way aroos galayaan
Itifaaqa jacaylka
RABI uu aqbalee
aqbal weeyi arkaantu
Aftaxiinu mid khayrle
Arooskiinu badhaadhe
ILAAHAY ha ka yeelo
Ubaxii kalgacaylka
yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateen
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxada abshiraysta
Labo weeyi aduunka
Ab ilaa ab gayaana
Laba aan is irdhaynin
Oo is aaminay weeyi
Labadii indho caashaq
Isu eegta ahaada
Labadii aayatiin le
Guulaysta ahaada
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Wax ileeya ayaan
Anshaxow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta
Ifka nuurayaa
Waa ayaaniyo
Anshaxoo caawa
Is arwaaqsaday weeyi
Ayaankiina samaaday
Alalaaskiyo guurka
Labadii aqalkooda
Lagu raysto ahaada
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta
Labadii anbaqaadka
Kalgacaylka adkeeya
Labadii ubad doora
Noqda aayole yeesha
Alalaaska iyo
Onka yeedhaaya
Waa aqal galkiiye
Anshaxiyo edaabsan
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta
Ubuxii kalgacaylka
Yaad abaabulaysaane
Aqalkaad dhisateena
Waa istaahil caleek
Wax ileeya ayaana
Anshaxoow ka ilaali
Reerku waa ixtiraame
Farxadaa abshiraysta