ka xasilay jacaylkii
wadnahayga xaadiray
dhiiggayga xulayee
xiisihiisu waaalnaaaaa

qalbigii xujaysnaa
xubigii ka ifi jiray
mar horuu xoreeyoo
maankii xalbuu helay
uu ahaa xasaasiga

xurmo soo habsaantiyo
xiskaan kaalintii gabay
naftoo xilli ubaahneeyd
adigaa xumeeyoo
waxba xeerin waayee
haddeer kuma xasuustaba

maanka iyo xiskaygii
adi kuu xirnaan jiray
kuma tabaan xaqiiqoo
bogga waa lagaa xalay

xubbigii kunoolaa
xilli hore naftaydoo
adi kuu xisaabnaa
xabadkii lagaa maydh
xiisahaagu diri jiray

xurmo soo habsaantiyo
xiskaan kaalintii gabay
naftoo xilli ubaahneeyd
adigaa xumeeyoo
waxba xeerin waayee
haddeer kuma xasuustaba..

Exit mobile version