dareeenka jacayl huqdiisa
habeenno waxaa u hoyda
hiyiga ruux maqan tabaaya

harraadiyo waxaa ludhkiisa
hagaag uga doogsan caashaqa
qalbigan xiisuhu hareeyay

naftayduna hadiyo goor
adeey kuu heellantee
qudhaydan kuu hanweeyn
adoon hagranaynin dookha
jacaylka hareerta qaboo

dookhiyo hobaantida jacaylka
hadiisa waxaa u liita
kashuu hadeeyay u ooman

hamiga gocashiyo xasuusta
latiix hinqaadkaan karaystay
waxay hibashadu kubeertay

naftayduna hadiyo goor
adeey kuu heellantee
qudhaydan kuu hanweeyn
adoon hagranaynin dookha
jacaylka hareerta qaboo.

Exit mobile version