jacaylku xurmuu rabaa
xaqdhoowr buu doonayaa
wanaagbuu ku xasilaaa

xiriirkeenna hirgalay
xumaan ka ilaaliyoo
hadhoow yaan la ina xaman
mcn yaa la ina xaman

xaggaygana igu hallee
inaan xiddidada umudo
intaan la igeeyn xabaal
oo aan la igeeyn xabaal

xigtiyoo ehel beeynu nahay
xusuuustaadu igu dheer
xiskaygaa adi kutaba
mcn adiguu kutabaaa

adaa ragga kaa xushee
xaqiiqdii guurka iyoo
rugiyo xaruni ila yagleel
mcn hooy ila yagleel

xaggaygana igu hallee
inaan xiddidada umudo
intaan la igeeyn xabaal
oo aan la igeeyn xabaal.

Exit mobile version