Roobaa ii da'ay jaceyla
Waxaan helay nolol wanaagsan
haddaan helay geesigaygii
Rabbina mahadiisa weeyi

daadihi raasamaal
farxad iyo hawl adduunyo
runtii igu dhowaa xiskaygi
ruuxaan dunidaba ka doortee
rafiiq baan nahay maalmo

rajadii nolshaan haleelay
danaha xaaskiyo nasiibka
raxmaankaa iigu deeqay
sidaasaan kaaga raystay

Roonuhu kuma qadin ayaanka
reerkaan dhisnay lagu badhaadhay
raas baan dagaysadoo barwaaqoo
waxaan galay aan ku maalno

runtii hadalkaa i deeqa
rubbada kalgacal uu ku beera
qalbigaa naxariis ku reeba
intaan dookh ku raacay
raxmadaa farxadaa wadaagnay

rajadii nolshaan haleelay
dunaha xaaskiyo nasiibka
raxmaankaa iigu deeqay
sidaasaan kaaga raystay.

Exit mobile version