anoo ka walaacsan
naftaada wax gaadha
maxaa waydu raysaa
waxyeelo u diiday

maxaan farxad waarta
wacnaan u qorsheeyay
si aan nacab wiiqa
u waydeen xubigeena

qudhii waqti doora
agtaada ku wayday
miyaad wacad beena
wanaag afka jooga
waqaal la jilaysay
badnaa ala badnaa
wajigaagu badnaa

cidii wanaag keenta
la weeco tidhaahda
maxaa wanjal caashaq
warkeeda u qaatay

muxuu wadnahaagu
intuu wadnahayga
dareen la wadaagay
ka dhigtay wehel gaara

Exit mobile version