VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gurmadkiisha caashaqa - Lyrics

gaaridii haweenkaay geenyadaan jeclaayeey adigaa galbeediyo gal xareedi jiiftiyo gol janiyo hargaysiyo guryo samo ku nooloo geel dhalay ku maalee meelu gacal ka dheeryoo la yidhaahdo gadarbaan intaan gaadhay waa hore waayuhu i geyoo ka goyoonba maayee hadii aad galmoon tahay waa i gubay jacaylkuye gurmadkiisa caashaqa adiguna ha gaagixin ana gaabis yaan noqon anigoon ku gabaniyo adigoon gardiid noqon hadii uu gu'yaal badan nafsi gaabinaayiyo waqti gaar inoo helay waxaan uga gol leeyahay hadii GUULAHEEN qoray kuwa guuxa dhaafee gaaladu samaysee ka gudbaaya badaha soo galabso leeyee adna gacaladaydaay hadii aad golmoon tahay waa i gubay jacaylkuye gurmadkiisa caashaqa adiguna ha gaagixin ana gaabis yaan noqon
Queue is empty
-- / --