VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Dusha timaha Lyrics

dusha timaha guudkee
dib u dhaafay adhaxdee
dibno hadalka qaadmada
ilko dabar cas kaga yaal
dib markaan u fiirsado
fanaxyadaada hoosiyo
i dishaye cabaadhyahay
isla gaadhay dacalada
deega labada garab iyo
waaxyaha dushooda
sii dhaqaaqa laafyaha
dadyow anigu yaabaye
ma dadkii kitaabkiyo
diinteenu sheegtee
daganaa fardawsoo
soo daahiraa haa

doqontii nasiiblee
damac kaa galaa
dega waab la saaraa
deymada jaleecada
markii aan ku daawaday
indhuhu meel ay diidaan
daa'im kuuma yeelin
daruuryahay adoo kale
NABI YUUSUF dabadii
lama keenin dunidee
nasiibku ha igu kaa daro

Lyyrics by: anwar

Song name
-- / --