VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jaceylka dhidabada utaag - Lyrics

dunida dhaldhalaalka iyo ha daawanine ha guun maxan dhaxan kuu galay dhaayaha ha ku daaline xaqiiqda dhabtaa ku yee nolosha dhadhankeedu waa lamaane is doortaa oo quluubta is dhaafsada qof aad isku dheertihiin ogow lama dhayalsade wax dhow oo aan fogeyn waxan cimri dharar lahayn cisiga yaanaay kuu dhigin wakhtina yaanu kaaga dhicin farxada dhowr habeen jirtee markiiba dhamaanisiyo kalgacal aan duux lahayn dhanaba kuma geynayee ogow dhalta maaha roob wax dhaawaca sharafta oo kuu dhimaya jiree jacaylkana ceeb ka dhowr cishqiga dhidibada u taag dhexdeenana yaan la galin
Queue is empty
-- / --