Dhaadma dareenkaad
Ku dhex beerantahayoo
Indhuhu dhugashadaaday
Dhibta kaga nastaano
Dhawaaqaaga eraygay
Dheguhu weheshadaanoo
Dhab ahaan hankaygaa
Rasmi kuugu dhaatoo
Carabkaygan kugu dhagay
Magacaaga dhigi waa
Dharaar qudha la,aanta
Dhacadiidsan waayee
Dheelalaaba toosee
Abid hayga dheeraan

Qalbi kaa dhursugayoo
Dheeftuu ku noolyiyo
Dhuunigiisa tahaybaa
Kaa dhawrtaa dunidoo
Dhamideed naftaydaad
Dhaymadeeda tahayoo
Dhaacashada kalgacalada
Dhaan nageeya bariyoo
Sida dhool nugaaleed
Ayaan kuugu dhololaa
Dharaar qudha la,aanta
Dhacadiidsan waayoo
Dheelalaaba toosee
Abid hayga dheeraan

Exit mobile version