Laxaadkiyo maanka
Lagaygiyo beerka
Adaa lubigayga
Runtii ku lamaan
Anoo ladi waayay
Dartaana u liita
Intaad i lugayso
Hadaan luxud seexdo
Soo laaban maayee
Ladnaantiyo jeebka
Intaad lacag raacdo
Jacaylka ha laalin

Siday laqan hooyo
Labeentiyo dhayda
Ladnaan ugu siiso
Ano libintaada
U loogay dantayda
Dartaana u liicay
Intaad igu laado
Hadaad lahan beerto
Liibaan heli maynee
Ladnaantiyo jeebka
Intaad lacag raacdo
Jacaylka ha laalin

Exit mobile version