Yaa waaye yaakale
Yaasiin yare

Luquntaada dheeriyo
Laafyada qurxoonaa
Laabtayda qaadoo
Kaa leexan maayee

Ladi waayay laylkii
Luulay la'aantaa
Lurbadiisa caashaqa
La liic liicayaayoo
Laxowgiis ihaayaayee

Luquntaada dheeriyo
Laafyada qurxoonaa
Laabtayda qaadoo
Kaa leexan maayee
X2

Yaa waaye yaakale
Hadii layaabo yaaska
Yaasiin yare

Anfac iyo abaal aad
Ii gashid adlee agtaa
Ku amaan helaa

Aaminkaa kugu qabaa
Amaantay adlee uurkay
Kuyaal aaha

Qalbigay adaa leh iyo
Qowlkee gurmayee ana
Adaan kugu qarwaa aaha

Fiiri adi la'aantaa marna
Ana arintay maba ii adkaan
Lahayn aaha

Laqdaboole aa jira lab–
Adii is caashaqay lamanaha
Is jecelna kala leexinaayee
Luulay ogsonaawee

Luquntaada dheeriyo
Laafyaha qurxoonaa
Laabtayda qaadoo
Kaa leexan maayee
X2

Yaa waaye yaakale
Hadii layaabo yaaska
Yaasiin yare

Anfac iyo abaal aad
Ii gashid adlee agtaa
Ku amaan helaa

Aaminkaa kugu qabaa
Amaantay adlee uurkay
Kuyaal aaha

Qalbigay adaa leh iyo
Qowlkee gurmayee ana
Adaan kugu qarwaa aaha

Fiiri adi la'aantaa marna
Ana arintay maba ii adkaan
Lahayn aaha

Luquntaada dheeriyo
Laafyaha qurxoonaa
Laabtayda qaadoo
Kaa leexan maayee

Exit mobile version