huqdaad igu beertaybaan
beryahan la riiqmoo
haraadkiina waan qaba
sidii hogol hoortayoo
hayaan lala sii sugaa
had iyo goor ii hirtaa
inaan hoy wada galnaan
hankaygu tilmaamayaa
hadmaad hiilinoo
hamigan caashaqu idayn

halyeeygaan aan jeclaayoow
waan ku haybiyaayoo
habeenkii ma lado jiif
hubaashii ogsoonoow
inaan kuu han waynahay
naftuna kuu heelan tahay
inaan hoy wada galnaan
hankaygu tilmaamayaa
hadmaad hiilinoo
hamigan caashaqu idayn

Exit mobile version