Heesta Muqdisho - Lyrics
Muqdishaan dhex milic-
Saday musiibadii kumaan
Arag bidix midig ayaan
Maray murugadii matalee
Madaxwayne sharaf
Mudan mowle nagu
Maneestee
Hadaan maanta mid
Nahay mahad eebe
Weeyee X2
Somaalaay
Midaas garo hameer
Meerin waligaa musuq
Maasuq ha unoqon
Nabadana macansoo
X2
Muqdishaa murayadoo
Midab keedu maar yahay
Shacabkuna malaayiin
Magaaladooda muujiya
Mudanayasha madaxdana
Maqaawiirta laga xulay
Hadaan maanta mid
Nahay mahad eebe
Weeyee X2
Somaalaay
Midaas garo hameer
Meerin waligaa musuq
Maasuq ha unoqon
Nabadana macansoo
X2
Muqdishaa sidii hore
Kasoo midab samaatee
Muraaadkeena siduu yahay
Nabad baa namaagtee
Maamul daacadoo midaa
Magaaladeena lagadhisay
Hadaan maanta mid
Nahay mahad eebe
Weeyee X2
Somaalaay
Midaas garo hameer
Meerin waligaa musuq
Maasuq ha unoqon
Nabadana macansoo
X2