Heesta Aqbal - Lyrics
Arooskeenu guurkiyo
Aqalkiinu waa khayr
Aayatiinku waa dhag
Iyo iyo lama ilaawaan
2×
Ubad iyo barwaaqana
Idin siiyay ilaahay
Namiimka ducadana
Raboow naga ajiib
Afku yuu xishood galin
Yay aqoontu baabi,in
Indhihiinu waa hiboo
Isku soo ilmeeya
2×
Iyaduul ayaan badanaa
Aakhirana janada gala
Gogobkeeda carafsada
Beerkiinu ii baah
2×
Abaayo hooyana
Waan idiin duceeyee
Aqbaliyo ajiib wacan
Rabow naga adeec
Afku yuu xishood galin
Yay aqoontu baabi,in
Indhihiinu waa hiboo
Isku soo ilmeeya
2×