Nafta laba wadaagoow
Noole iska doortoow
Nolosha u siidoow

Niyada iska aaminay
Waataynu noqonoo
Isku qaadnay libidkee

Nacbkaagu yaanu
Kugu diir naxaankaa
Namiimkiisa hadalkuna
Huuno yaanu kula noqon

Nasteexa warkiisana
Ha u nisbaynin been been
Nasteexa warkiisana
Ha u nisbaynin been been

Nasiib laba wadaagoow
Midba midi u nugulyoow
Nasteexa u horseedoow

Nabdiga iska aaminay
Waataynu noqonoo
Isu dhiibnay idilkeed

Nacbkaagu yaanu
Kugu diir naxaankaa
Namiimkiisa hadalkuna
Huuno yaanu kula noqon

Nasteexa warkiisana
Ha u nisbaynin been been
Nasteexa warkiisana
Ha u nisbaynin been been

Exit mobile version