Saygan iyo sawjadan is helay
Saygan iyo sawjadan is helay
Suurada iyo quruxda badan
Ilaahey siiyayoo
Sad iyo calaf ma isku galay
Samada laga soo aqbalay

Arooskii sama samee
Awlaad ale siiyayoo
Ahaadaan siday rabaan
Guur saatir uu aqbalay
Guur saatir uu aqbalay

Sokeeyiyo waalidiyo
Walaaliyo saaxiib badan
Si weynbay ugu farxeen
Guurkiinan suurta galay
Sacabka u garaacayaan

Saygan iyo sawjadan is helay
Saygan iyo sawjadan is helay
Suurada iyo quruxda badan
Ilaahey siiyayoo
Sad iyo calaf ma isku galay
Samada laga soo aqbalay

Arooskii sama samee
Awlaad ale siiyayoo
Ahaadaan siday rabaan
Guur saatir uu aqbalay
Guur saatir uu aqbalay

Sokeeyiyo waalidiyo
Walaaliyo saaxiib badan
Si weynbay ugu farxeen
Guurkiinan suurta galay
Sacabka u garaacayaan

Exit mobile version