Anigoo dhalaanoo
Dhabta hooyaday iyo
Irridaba ka dheeraan
2x

Jacaylkii aan dhaansaday
Dhaanka aan kusoo raray
Dhexdu soo socdaayoo
Rarkii wali lagama dhigin
2x

Adigaana dhaliyoo
Intaa ka dhur sugayee
Wiilyohow dhankaagaa
Inaad dhiiri galisiyo
Soo dhawayn ka sugayaa
2x

Sidii caano dhay oo
Rarta waalidii dhigay
Jacaylakaan dhadhamiyee
2x

Sidaan dhuubi malabiyo
Dheemaal u muudsaday
Waygu dheraranyahayoo
Wali dhuunta kama dagin
2x

Adigaana dhaliyoo
Intaa ka dhur sugayee
Wiilyohow dhankaagaa
Inaad dhiiri galisiyo
Soo dhawayn ka sugayaa
2x

Exit mobile version