Heesta Lamaano - Lyrics
Lahashada naftaydiyo
Waayadan lurka i helay
Leeleelka caadhaqa
Kama laamo doodo
Hurdo libiqsan waayee
2x
Sida laama lawshaha
Oo laydhi haysaa
Leegleeganaaya
2x
Wiilyohow i beer lulay
Sidaan kugu ladhanahay
Adna laabta iigu hay
Inago lamaano ah
Liibaan aan gaadhnee
2x
Lugooyada naflaydiyo
Laalay qarsoonoo
Libiq lagu yidhaahdiyo
Waa had iyo laayaan
Hami laga ladaynee
2x
Sidii Layla o kale
Waakaa i laalee
Leexada i saaree
2x
Wiilyohow i beer lulay
Sidaan kugu ladhanahay
Adna laabta iigu hay
Inago lamaano ah
Liibaan aan gaadhnee
2x