Kalgacayku deeqoow
Mahuraan ku dayniyo
Waa daw la wada maro
2x

Waa doobin iyo dharaf
Dil wanaagta mahadshoo
Samo lagu daryeeliyo
Dilimuhu ku dararaan
2x

Dar alee sideenaa
Lamanaha is doortana
Dawadooda weeyee
2x

Dusha sidan u saarnee
Uga daali waynee
Uga dhawrnay deelqaad
U daadihi kalgacalkoo
Ugu dhaado deeqoow
2x

Kalgacayku deeqoow
Naxariista dunidiyo
Damal weeyi la hadhsado
2x

Darajiyo waa nolol
Aadmigu ku diirsado
Datan iyo waxyeeliyo
Xumuhu la diriraa
2x

Dar alee dhigeena
Lamanaha is doortana
Daryeelkooda weeyee
2x

Dusha sidan u saarnee
Uga daali waynee
Uga dhawrnay deelqaad
2x

U daadihi kalgacalkoo
Ugu dhaado deeqoow
3x

Exit mobile version