Hablihii siinada wacnaa
Dhaqankoguna suubanaa
Hidaha aan ka suuli jirine
Samaha lagu guursan jiray
2x

Haday saakaba xalaal
Saaxiibka ka door bideen
Raguna hilbo solan Heleen
2x

Saqaaf loo wada boxoo
Wanaaga la seegayoo
Jacaylku sumaysanyahay
2x

Runtiyo been ba isa sudhan
Sidii subagiyo biyaha
Intay kala soocmayaan
Naftaydaay samir ogoow
Sahwiyo walbahaarka daayoo
Talada saaro eebeheen

Markay sahan dheer galaan
Ragaan sahay qaadan jirin
Dhib iyo gaajoba sarayn
Sir iyo qawl adag lahaa
2x

Haday sabanadan guracan
Sharaftii ka sal guuriyeen
Saluug laga qabo badhkood
2x

Salkii dhaqankuna lumoo
Aqoontu saboolantahay
Jacayl na sumaysanyahay
2x

Runtiyo been ba isa sudhan
Sidii subagiyo biyaha
Intay kala soocmayaan
Naftaydaay samir ogoow
Sahwiyo Walbahaarka daayoo
Talada saaro eebeheen
2x

Sahwiyo walbahaarka daayoo
Talada saaro eebeheen
3x

Exit mobile version