Heesta Boholyow - Lyrics
boholyowga caashaqaa
dagayoo laabtiyo
xubnahaygaa beegsaday
wuxu iiga badan yahay
badhtama wadnaha iyo
dhanka bidix jidhkaygee
inankii igu beerayna
kala baqay oraahde
baahida kalgacalka leh
anan uga boogsonon
runta uga bogsoonon
ma u bareeri karaya
igu baah kalgacalkuye
kuli xididadaydiyo
saw bogayga muu dagin
intuu beerka ku xasilay
baryo kooban gudahood
saw laman baydadii
inankii igu beerayna
kala baqay oraahde
baahida kalgacalka leh
anan uga boogsonon
runta uga bogsoonon
ma u bareeri karaya