Heesta Uur kutaalo - Lyrics
ma ogtahay aduunyada
kaan ka eeganaayow
unugyada jidhkiyo
oogada dhamaan
kalgacayl abyaa igu
baahaye
uurku taaladiyo afkan
juuqda gabay ma adoo
arkaa igu eegasaa
waxaan kula agjoogaa
naxariis ildabacdiyo
yuu iilan caashaqani
aayeheena wadareed
wax irdheeya yay iman
ma ogtahay ragoo idil
kaan ka aaminaad tohoo
indha doogsi iyo farxad
aan idlaan igu beerayo
oonka aan u qabaa
wadna ololayaa arxan
kaa rabee naftan kuu irman
awgaa yay u dhiman