Heesta Wiilyahow - Lyrics
wiilyahow waxaad tahay
wadnahayga inankiii
ku dul wadhay jacaylkoo
igu waabay caashaqu
welkiyo walaacuna
waa ii wada jireenoo
nina ima wanaajine
adaan wali ku sugayaa
waana waxaan ku daaya
ama kuba wacnaadaa
guri aan wada jir oodnee
waxad ka qabto ii sheeg
wiilyahaw waxaa jira
waabayda caashaqu
ruuxay wareentoo
weheshada dhibaatadee
adna ha igu wiirsanee
aan wada wadaagno
caashaqu ha waaree
waaxdaada ila qabo