siduu xidigaha u shiiqiyo
nuurka dayax xambaarsani
adigaa xarago dheer
inta dumarka xayga ah
haybadooy xul baa tahay
hooya dhaqan xariiriyo
mid xishoodka waxaa tahay
khadra xayd ka sidatoo
ku barbaarta xero nagiye

xeel dheere qaran idil
xafidoo iu daacadiii
xilkas ahi kumuu dhalin

abti geenya xamaraa
abti xuural caynayeey
xilo lagu badhaadhaay

haduu calafku kuu xulay
uu jaamac kugu xidhay
hirka xubin gobeedeey

ku xasila nimmciyo farax

alloow guur lagu xamdiyo
aloow guri lagu xasilo
alloow ubad loo xishiyo
awlaad idinsii xalaala

Exit mobile version