ceeb kuma ahee
waa caadadii
cimri lagu yiqiin

inuu ruux cawdoo
kalgacayl cadiban
cidlo kaga tagaa

cimilada badalan
caawa kula arkee
halkay caga dhigtaan
caku dhawrayaaye

caano iyo nabad
waxaan caafimaad
ku cawaysimaba

marku igu cugtee
raga kaa calmaday
i cadaadisee

caskii waa baryaba
anoo camalsanoo
kuu calool fayow

cadho iyo hadaad
ku culaysi tidhi
hadal caaqub lee

Exit mobile version