ceeb kuma ahee
waa caadadii
cimri lagu yiqiin

inuu ruux cawdoo
kalgacayl cadiban
cidlo kaga tagaa

cimilada badalan
caawaan kula arkee
halkay cago dhigtaan
caku dhawrayaayee

caano iyo nabad
waxaan caafimaad
ku cawaysimoba

markuu igu curteen
raga kaa calmaday
i cadaaadisee

caskii waa baryaba
anoo camalsanoo
ku calool fayow

cadho iyo hadaad
ku culaysi tidhii
hadal caabuq lee

Exit mobile version