Heesta Dheeman - Lyrics
sida dhibicda roobkiyo
dhool gaaxday maalmoo
dhulku simay xareedaa
igu dhalisay xiisee
sida ubax dhalaaliyo
dhirtoo rucubtu lulatoo
ishu dheehanaysaa
kugu soo dhawaadee
dhabankaagan wacaniyo
quruxdiyo dhismaha guur
igu dheere ma ogtahay
sidaan kuu dhaygagay
dhaayihi ku halacsaday
dhabtii way ilmeeyeen
yurubeey kalgacalkii
mubaarigoow jacayaylkii
dhinacaaga ka adkee
mubaarigoow jacaylkii
yurubeey kalgacalkii
marna yaanu dheeliyin
inanyahay dharaarahan
caashaqii i dhaawacay
intuu dhiiga raacuu
xididada dhex maaxee
sidaan kuugu soo dhigay
dhambaalkii aan soo diray
aniguba dhibkiisii
waan kula dhadhamiyeee
aroos aynu dhiganoo
dhisme aqal yagleelnee
ha igu dhaafin gacalooy
sida aad u dhawrtaan
dhakhso aqal galkeenii
ana uga dhursugayaa
yurubeey kalgacalkii
mubaarigoow jacayaylkii
dhinacaaga ka adkee
mubaarigoow jacaylkii
yurubeey kalgacalkii
marna yaanu dheeliyin