Heesta Doontii mixnada - Lyrics
shilbaa dunidii ka dhacay
waxaa lumay daacadii
isu duubni laba ruux
waqti diidaybaa yimi
danta lagu hashiin waa
dumar furay shakaalkii
ragna waa ka daranyay
dulqaad marwadii lahayd
wuxuu calafkii dul dhigay
midaan uba diir naxayn
ragna kii daryeel rabay
dhaqan guri ma doontiyo
mid dajiya ayuu helay
ragan beerta wada galay
siday isu doonayaan
ayay isu wada dagaan
doontii mixnadaa istaadhan
dareenka sanbaa idlaaday
hamiga calankaa u taagan
milgaa samaha loo xidhay
dad jacayl heshiis ku ahaa
intuu aadmi kala dilay
maxay kala waji dadbeen
daraad labadii kalgacal
damiirku wadaajiyee
adaa kasha deeqay iyo
anaa kaa daran ahaa