gaashaanka cadawgiyo
caasimeedana geeskiyo
kuma gabo hargeysay

calankaa i guud sudhan
bartii lagu gardaadshiyo
burcooy kaama gam,sani

gayigeena oo xora
walee ayar kama gudo
guud ahaan dadkiisana
waligay makala guro

bilic aan gaboobay
gobolkii lahaa iyo
sanaag maad i gaysan

cilmi galalac leh goobtii
laga soo guntanayiyo
kama guurin boorame

gayigeena oo xora
walee ayar kama gudo
guud ahaan dadkiisana
waligay makala guro

janadii galbeedkiyo
gurigaan ku ababiiyo
ma ilaawin gabiley

golihii darwiishkiyo
gumaysiga la dirikiyo
kuma gooyo sooleey

gayigeena oo xora
walee ayar kama gudo
guud ahaan dadkiisana
waligay makala guro

waa halkii garaadada
guulahay ku deqaye
buuhoodle ila garo

waa goobtii diintiyo
kasoo galay islaamkuye
saylac yaan la gees marin

gayigeena oo xora
walee aayar kama gudo
guud ahaan dadkiisana
waligay makala guro

geedkii dulqaadkiyo
samo lagu guneeyiyo
baligubadle ii daa

taladii kalgacalkiyo
garashada rugteediyo
rugtii saaxil kama tago

gayigeena oo xora
walee aayar kama gudo
guud ahaan dadkiisana
waligay makala guro

Exit mobile version