VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Godobta ayaa ii horseeday - Lyrics

Gu'yaal anigoo samraayay Naftaan raadkeeda goobay Markii aan orod ku gaadhay Markii gufi soo iftiintay Ayuu kale meel la geeyo Waqtigu iimuu garaabine Markaan geed ubaxle beeray Markaan cishqigii gardaadshay Markaan idhi gama'oo seexo Ayuu libtii iga mariyay geese Waqtiga yaa noo gar naqa Kumaan gafin kaan u jeelay Danbiyo kama galin xumaato Naftayduna kama ay go'aansane Xiligu na kala go'doonshee Godobta yaa ii horseeday Gudoonso anoo filaayay Midkaan u go'een jeclaaday Markii aan garab ka doonay Markii nuurkii soo guduudtay Ayuu kala haab na geeyoo Waqtigu iiga gacan sareeyaye Markaan gacaltooyo beeray Markaan noloshii ku goostay Inaan guri wada yagleelno Ayuu meel dheer u guuroo Waqtigu sow ima lug goynin
Queue is empty
-- / --