laa gees kastaba
sideena gudboo
guud ahaana duco
gacal iyo xigaal
guudka uga sudhay

gabadh yahay kalgacal
nafta wuxuu gubaa
gooni iyo markuu
gaar kugu yahee
gaariyay ugub

waligood galadi
kama gaagaxde

goortaan ku helay
gocoshaba ka baxay

dhaqankaan guyaal
gob kusoo ahayn
giuushani ku timid
dananoow gudoon

dhaqankaanguyaal
gob kusoo ahayn
guushani ku timid
geenyooy gudoon

gayaankaygiyoow
gudooonkii jacayl
gacaliye waxaa
gogoshii u dhigay
gal xareed ahaw

goor iyo ayaan
garab iyo inaan
isasiino gaccan
go,aankii ahaa
gole loo dhan yahayy

waligii aan gudhin
geedkii ku baxay

ku gardaadinoo
gaadhnay toogadee

dhaqankaan guyaal
gob kusoo ahayn
guushani ku timid
dananoow gudoon

dhaqankaan guyaal
gob kusoo ahayn
guushani ku timid
geen yoy gudoon

Exit mobile version