dareen aan dhitaystaybaa
dhabar jabiyay maankoo
waan is dhiiibay maantee
anigoo wax dheemana
dahab dhiina kugu xidhin
oon dhoola kaa sugiin
dhana aan is tuurayne
dhigay wuxuu helaaban
ogolahay dharaartane
sheekada dhameeyoo
aynu qoys dhan dhaqanee
guurkeena ku dhawaaq

axdi noo dhignaabaan
macaan dhawrayaayoo
kuma dhayalsan goornee
iyadoo ay dhaqankiyo
in la dheehdo diintaba
nolol dhaayaheed tahayoo
midna aan la dhaafaynee
dhigaa wuxuu helabaan
afar laab ka dhiibiyee
isku duba dhaceediyo
bud dhigeeda sharafta
bal dhankayga ku halee

Exit mobile version