Sida awr hayinahoo inta
Heerya lagu raray
Haamihii lasaaroo
La hoggaaminaayoo
Jacaylkaagu halistiyo
Hir dheer buu ila marayaaa

Anigoon hadleeynbuu
Hugun iga baxaayoo
Hirdheer adiga oo jiraan
Yaan kugu hadaaqaa
Hadraayaaaa

Kaalayooo
Kaalay kaalay
Igu hagoogooo
Ha isiinin haaddee
Aan hooy wadaagnee
Hab kusoo dheh caashaqa
Hab kusoo dheh caashaqa

Sida tahay hirdoogloo
Hawd sare kamuuqdiyo
Hillaaceey baxaayan baan
Aan soo hayaamooo
Kama hari karaayoo
Hareer kaama
Kama maraayeeee

Inta uurka hoosiyo
Adaa degay halboowlaha
Haybad aad kuleedahay
Ii hiilli adiguna macaanoow

Kaalayooo
Kaalay kaalay
Igu hagoogooo
Ha isiinin haaddee
Aan hooy wadaagnee
Hab kusoo dheh caashaqa
Hab kusoo dheh caashaqa

Exit mobile version