Hadaanad ila joogin
Agtayda ka muuqan
Umalka xumadiisa
Dhaayaha la ilmeeya

Markaana amaanta
Afkaaga ka yeedha
Maqlayn eraygaaga
Dartaa la ilmeeyaa

Uurkiyo maankaa
Kalkagacaylka astaysay
Hadaan ku inshaartay
Indhaha nuurkooda
Ahow waligoodba

Ijaabo dhexdeena
Kalgacayl asiibye
Arxanka nolosheena
Iftiinka udaaray
Ahow waligaaba

Hadaan is adeecnay
Ubaxna isla qaadnay
Aqbalka kalgacaylka
Duufaanta ayaan anahoo

Waxaan istareexay
Markaan aqalkeena
Udubkoo udhisnoo
Adkayn jacaylka
Uurkiyo maankaa
Kalgacaylka astaysay
Hadaan ku ishaartay
Indhaha nuurkoodoo
Ahow waligaaba
Ijaabo dhexdeena
Kalgacayl asiibye
Arxanka nolosheena
Iftiinka udaaray
Ahow waligaaba

Exit mobile version